Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Wasiirka maaliyada oo soo bandhigay wixii u qabsoomay intii uu xilka hayay: SAWIRRO

    Wasiirka maaliyada oo soo bandhigay wixii u qabsoomay intii uu xilka hayay: SAWIRRO

    July 3, 20173 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa saxaafada uga warbixiyey barnaamijkii bilaha ahaa ee Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo looga hadlo waxyaalaha u qabsoomay wasaaradda iyo caqabadaha u baahan in la xaliyo.

    Wasiirka ayaa warfidiyeenada u sheegay in arinkaan uu ka hadlo bil walba uu daba socdo balanqaadkii Madaxweyne JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare XFS mudane Xasan Cali Kheyre oo ahaa in siyaasada dowladda saldhig u tahay daah-furnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuq-maasuq, sidaas daraadeedna ay waajib ku tahay Wasaaradda Maaliyadda in bil kasta usoo bandhigto Shacabka Soomaaliyeed warbixino ku salaysan dakhliga iyo kharashaadka dowladda.

    Ugu horeynta Wasiirka ayaa ka hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay Misaaniyadda Sanadka 2017, taas oo aad uga duwan habraacii loo qoondeeyey in ay ku socoto miisaaniyadda dowladda.

    “Misaaniyadu waxa ay ka turjumaysaa waxa ay dowladdu qaban karto iyo qaabka ay u qabanayso. Habraaca miisaaniyada dal loo samaynayo waxaa ugu horeyn in la isu keenaa baahiyaha dalka horyaala sanadkaas, markaas ayaa la yiraahdaa misaaniyada nagu filan sanadkaan waa intaas. lakiin inaga xaalka dalkeena ku sugan yahay hadeer arinku saas waa ka duwan yahay sababtoo ah waxa na soo gala ayaa aad u yar, waana dakhli kooban waxa soo gala dowladda, isku celcelis bishii waxaa u soo xarooda 11 milyan, waxaan u baahanahy bil kasta 17 milyan si aan misaaniayda yare ee noo qoondaysan aan u daboolno” ayuu yiri Wasiir Bayle,

    Wasiirka oo sii hadlayey ayaa sheegay “Miisaanyidii sanadkaan bartankiisa ayaan ku jirnaa, sanadkan wuxuu ahaa mid dowlad cusub timid, qorshahana wuxuu ahaa in sanadkii hore aakhirkiisa la ansaxiyo, tani waa ka duwnayd oo laba dowaladood ayaa kala wareegayey.

    Qanuunka maaliyaddu waaxaa uu sheegayaa in lagu sii shaqayn karo misaaniyadii hore mudo sadex bilood ah, waxaana horgeeynay golaha Baarlamaanka 31, March, 2017 weyna ansixiyeen si aan u isticmaalno qoondadaan. Waxaana lagu heshiiyey in misaaniyadda inta sanadka ka dhiman aan horgayno Baarlamnaka, hadan waxaan sugaynaa furitaanka golaha shacabka maalmaha nagu soo aadan”

    Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in dalka u baahan yahay soo celintii Astaanka Qaranka oo ahayd lacagta Shilin Soomaaliga ah, samaynta lacagtaasna waxaa ay qayb ka tahay shuruudaha ay IMF ku xirtay sidii Soomaaliya daynta looga cafin lahaa, waxaana laga rajo qabaa in lagu guulaysto dhamaadka sanakdaan in dib loo soo daabaco lacago shilin Soomaali ah oo cusub.

    “Daymaha faraha badan ee nalagu leeyahay waa kuwo naga hortaagan inaan dib u dhis ku samayno kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaan hada ku guda jirnaa tirkoobka daymahaas, horaanta bishii June ayaan kala saxiixanay IMF qaabkii nalooga cafin lahaa daymahaas” ayuu yiri Wasiir Bayle

    Ugu danbayntii Wasiirka ayaa ka warbixiyey shirk ka dhacay dalka Isutaga Imaraatka Carabta bartamaha bishii hore kaas oo looga hadlayey nidaamka xawaaladaha dalku ku shaqeeyaan.

    “Lacago faro badan ayaa xawaalad ahaan lagu keenaa dalka, waxyna badankoodu ka yimaadaan dibadaha waan nolosha shacabka Soomaaliyeed, waxaana hada qarka u saaran yihiin in la joojiyo, waxaana aduunku ka soo horjeedaa qaabka lacagtaas ku baxdo, waxaana loo baahan yahay in helo qaab lagu ogaan karo ilaa qofka u danbeeya ee lacagtaas ay gaarto. Waxaana cid walba kala hadalanay in lacagaahaas aan la jarin, waana lagama maarmaan ah in dadka laga rabaa qof kasta inuu samaysto aqoonsi uu lacagta ku qaato, waana arin socoto qaabkii loo wajihi lahaa” ayuu yiri Wasiirku

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Cadaadisyo waaweyn oo heysta Ra’iisal Wasaare Kheyre [Farmaajo oo arrin halis ah ku wareejiyay]
    Next Article Sacuudiga iyo xulufadiisa oo waqtigii loo qabtay Qatar inay ku aqbasho shuruudaha loogu dairy 48 saac

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo