Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa muddo 24 saacadood ka yar uga laabtay shaqo joojintii uu ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.
Wareegto goor dhoweyd soo baxday ayuu wasiirku ku caddeeyay inuu laalay shaqo joojintii uu shalay ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga, balse wuxuu caddeeyay inay taagan yihiin eedeymihii uu u jeediyay.
Wuxuu Wasiirku qoraalka wareegtada cusub ee laalista ku sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin jiritaanka eedeymaha maamul sidaa darteed Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaga Guud Digniin, iyadoo madaxda Wasaaradda si dhow ula soconayaan gudashada iyo hoggaansanaanta waajibaadka shaqo ee ay farayaan.
“Waxaan laalay wareegtada kor ku xusan oo shaqada lagaga joojiyey Agaasimaha Guud ee dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliaya. Laalista korku ku xusani ma burineyso jiritaanka eedeymaha maamul” ayuu wasiirku ku yiri Wareegtada danbe.
Wuxuu intaas raaciyay: “Xisaabiyaha waxay u noqoneysaa diginin iyadoo ay si dhow ula socon doonaan madaxda wasaaraddu gudashada iyo u hoggaansanaanta waajibaadka shaqo ee ay farayaan sharuucda wasaaraddu, sidoo kalena fulinta habraacyada, tilmaamayaasha, hagayaasha iyo awaamirta ka soo baxda Wasiirka”.
Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Wasiirka Maaliyadda cadaadis uga yimid Madaxtooyada, taasoo keentay inuu ka laabto tallaabadii mala filaanka ahayd ee shaqo ka joojinta Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee dakhliga, balse lama oga sida ay ku wada shaqeyn karaan.