Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa beeniyay in deeqda lacageed ee Boqortooyada Sacuudiga siisay dowladiisa aanay ku lug lahayn xiriirka Soomaaliya u jartay dalka Iiraan.
Wasiirka oo u waramayay wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga uu yahay mid soo jireen ah oo deeqda la sheegayna ka horeysay arrinta Soomaaliya iyo Iiraan ka dhaxeysa.
“Xiriirka aan la leenahay Sacuudiga waa mid soo jireen, mana aha wax hadda bilowday” ayuu yiri wasiir Fargeeti oo ka jawaabayay warar ay Reuters faafisay oo ku saabsan Sacuudiga uu abaal marin u siiyay deeq lacageed dowladda Soomaaliya, deeqdaas oo gaareysa 50 Milyan oo doolar.
Wadani.com