Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa caawa ka dhoofay magaalada Mqudisho isagoo safar shaqo u kicitimay.
Wasiirka waxaa garoonka ku sagootiyay wasiirka Gaadiidka & Duulista, wuxuuna aragtidiisa ku cabiray inuu xilli habeen ah ka duulo Garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho. “Caawa waxaa sharaf ii ah inaan xili habeen ah ka duulo Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waliba Diyaarad ay la socdaan Dad shacab ah 27 sano kadib, tani waxay caddeyn u tahay hormarka Dowladnimo ee aan gaarnay…” ayuu yiri Wasiir Beyle.
DAAWO SAWIRRO