Doorasho maanta ka dhacday magaalada Baydhaba ayaa looga adkaaday wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti.
Maalintii saddexaad ayaa doorashada xildhibaanada Aqalka hoose ee magaalada Baydhaba waxaa ku tartamay Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ahaa wasiiradii iyo xildhibanadii dowladii hore iyo wasiirka Maxamed Aadan Fargeti, waxaana tartanka oo ahaa mid adag, laba jeer la isugu celiyay waxaana wareegii labaad natiijadiisii ay noqotay:
Mudane Maxamed Aadan Fargeti 25 cod
Xildhiban Maxamud Macalin Yaxye 26 cod.
Wasiirka Maaliyadda Mudane Fargeti ayaa hal cod oo qura looga adkaaday, waxaana maanta la sheegay in ciidamo badan la geeyay goobaha doorashada ka dhaceysa si xaaladda loo dejiyo.
Waa tartantii ugu adkaa ee ka dhacay doorashada Aqalka hoose, waxaana la sheegay in lacag badan loo adeegsaday ololaha doorashada.
Wadani.com