Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa qirtay in lacag ka badan tan ay dowladda Federaalka ka hesho garoonka diyaaradaha Muqdisho ay qaadato shirkadda maamusha ee Favori.
Wasiirka oo wareysi siiyay Telefishanka HCTV ayaa sheegay in dib u eegis ay ku socoto heshiisyada lala galay shirkadaha FAVORI iyo ALbeyrak ee Turkiga ah oo maamulka Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho.
Xukuumadda waqtigeeda dhamaaday ayaan waxba ka bedeli karin xilligan heshiisyada shirkadahan kula wareegeen labada ilood ee caasimadda, iyadoo horeba aan loo hor keenin Baarlamaanka.
Wadani.com