Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka hadlay mashruuc ku saabsanaa biyo xireen loo sameyn lahaa magaalada Beledweyne oo la sheegay inay la noqotay dowladda Talyaaniga markii uu waqtigu ka dhacay oo dowladda Soomaaliya ay dalbadan weysay kharashka mashruucaasi.
Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Talyaaniga ay ka wadahalayeen suuragalnimada taageero ay ka geysato ka hortagga fatahaadda, wuxuuna intaas ku daray in mashruuca ay u gudbiyeen dowladda Talyaaniga si ay go’aan uga gaarto, ayna weli socdaan wadahadallada ku saabsan mashruucaasi.
Wasiirka ayaa sheegay inuusan jirin mashruuc la ansixiyey ama la saxiixay weli. Waxayna arrintan soo baxday markii wargeys Talyaani ah uu kashigay in dowladda Talyaaniga ay la noqotay mashruucaasi, markii dowladda Soomaaliya ay ku guul darreysatay in waqtigii loogu talogalay ay ku dalbato.
Wararka ayaa sheegaya in Mashruuca ay dowladda Talyaaniga ku xirtay shuruudo adag oo ah in tartan loo galo, isla markaana si hufan loo maamul, taasoo culeys ku noqotay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle.