Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Wasiirka Warfaafinta oo isbedel ku sameeyay Qaabkii Xukuumadda uga hadli jirtay Qaraxyada Muqdisho [Akhriso]

    Wasiirka Warfaafinta oo isbedel ku sameeyay Qaabkii Xukuumadda uga hadli jirtay Qaraxyada Muqdisho [Akhriso]

    July 15, 2018Updated:July 15, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Daahir Maxamud Geelle
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay weerarkii Qaraxyada iyo dagaalka tooska ahaa ee shalay ka dhacay baraha laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya kadib 12 saacadood oo markii uu falkaasi dhacay.

    Qaraxyada oo ay Alshabaab sheegatay isla markaana ahaa warka ugu weyn ee shalay oo dhan socday ayay wasiirka Warfaafinta ku qaadatay inuu war kasoo saaro xalay saqdii dhexe markii falkaasi ay kasoo wareegtay in ka badan 12 saacadood.

    Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ka hortageen Qaraxyadii iyo weerarkii ay soo maleegeen dagaalamayaasha Al-shabaab, wuxuuna intas ku daray inay ciidamadu ku amaanan yihiin sidii ugu hortageen Qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa kooxda Al-shabaab ay soo qaadeen.

    “Ciidamada Amiga Qaranka, waxay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka, oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba qarax. Ciidamadu waxay ku guuleysteen in ay hor istaagaan arxan-laawayaasha dhiigga shacabka caadaystay ee Al-Shabaab in ay gaaraan goobta ay qaraxa la damacsanaayeen. Kadib markii rasaas ay huwiyeen, ayaa mid ka mid ah 2 gaari oo qarax laga soo buuxiyay wuxuu ku qarxay meel u dhow taaladda SYL, waxaa sidoo kale ay ciidamadu Isla goobta ku dileen dhowr ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ee la marin-habaabiyay.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

    Wasiir Daahir oo xukuumadda ay u xil saartay ku hadalka magaca xukuumadda, kadib markii uu Ra’iisal wasaare Kheyre ku soo saaray inaysan arrimaha qaraxyada iyo amniga ka hadli karin cid  aan ahayn Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasiirkeeda ayaa waxaa isbedel weyn ku yimid qaabkii ay xukuumadda saxaafadda ula hadli jirtay, waxaana isbedelkaasi laga dareemayaa warbaahinta dowladda.

    Afhayeenno kala duwan iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayey caado u ahayd  inay saxaafadda la hadlaaan marka qaraxyo dhacaan, waxayna qaarkood isku sawiri jireen goobaha qaraxyadu ka dhacaan iyadoo warbaahinta u sheegi jiray hadallo mararka qaarkood xaqiiqada ka fog.

    Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa la yimid qaab cusub oo shalay keenay  in markii ugu horeysay la waayo warkii dowladda ee wixii ka dhacay  magaalada Muqdisho, taasoo dadka qaarkii ku micneeyeen inay xukuumaddu ka daashay arrimaha qaraxyada Alshabaab iyo fashilka amniga ee Muqdisho ka taagan.

    Daahir Geelle Muqdisho Qaraxyada Top Wasiirka Warfaafinta xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan ka tirsanaa Galmudug oo loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Waaberi & Xil ka Qaadis cusub…
    Next Article Kooxda Alshabaab oo Laba Nin toogasho ku fulisay degmada Jilib

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo