Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa war kasoo saaray xilliga uu dhici lahaa imtixaanka Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee dalka.
Qoraal uu soo saaray wasiir Goodax ayuu ku sheegay in iyadoo la tixgelinayo tallooyinka caafimaadka iyo ka hortagga cudurka Coronavirus aanu qabsoomi karin imtixaankii Shahaadga ee fasallada Dugsiyada sare ee 12-aad iyo 8-aad ee dowladda.
“Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS oo tixgalineysa talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga & xakameynta cudurka dilaaga ah ee COVID-19, ayaa waxa ay ku wargalineysa ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jira diyaargarowga imtixaanka fasalka 12aad & 8aad in uusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay. Waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo imtixaanka dib ayaa laga soo sheegi doona. Mahadsanidiin.” ayuu qoralkiisa ku yiri Wasiirka.