Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere oo cajalad maqal soo duubay ayaa shalay uga digay Waalidiinta in ilmahooda ay u diraan Iskuulada iyo Jaamacadaha aanan Islmaamiga aheyn.
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo ka jawaabaya hadalka Al-Shabaab ayaa ugu baaqey inaysan waalidiinta dhegta u dhigin hadalka Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in markii horeba iskuulada hoose ilaa sare lagu dhigi jirey waxbarashada Tarbiyada Islaamiga ah iyo luuqada carabiga ah taasoo meesha ka saareysa in Iskuulada lagu dhigto oo kaliya Manaahijta reer Galbeedka ay leeyhiin.
DHAGEYSO WASIIRKA