Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta lasoo taagay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/Nuur (Janan) oo dowladda Soomaaliya u xirnaam uddo bil ka badan, markii Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee laga qabtay 31-ka Bishii Agost 2019.
Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) waxaa maxkamadda lala keenay oo ku wehliyey Taliyihii ciidamo fadhigoodu ahaa degmada Doolow ee Gobolka Gedo Buulle Aadan Maxamed, waxayna xeer ilaalinta kusoo oogtay eedeymo la xiriira xadgudub loo geystay dadweyne oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in maanta maxkamad lasoo taagay Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan ) iyo Buulle Aadan Maxamed oo taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo Baladxaawo oo loo wada heysto tacadiyo ka dhacay Gobalka Gedo