Warar kala duwan ayaa xaqiijnaya in Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland uu Muqdisho ku joogo socdaal qarsoodi ah oo aan la shaacin.
Xogta laga helay safarka Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa sheegaya in maalintii labaad magaaladan Muqdisho u joogo arrimo siyaasadeed, isagoo kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu Maxamed Cabdillaahi Cumar ka qeyb galayo shir looga hadlayo arrimaha Amniga Soomaaliya oo ka socda Muqdisho. Ma jiro wax war ah oo Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya ka soo baxay oo ku saaban socdaalka wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland.
Shirkaas oo maanta soo idlaaday ayaa la sheegay inuu Wasiirka hore oo ka tirsan hoggaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye lagu wado inuu maalinta berri dib ugu laabto magaalada Hargeysa.
Somaliland ayaan ogoleyn inay madaxeeda iyo siyaasiyiinteeda ay tagaan Muqdisho, waxaana hore xabsiga loo dhigay xubno ka soo jeeda Somaliland oo lagu eedeeyay inay arrimo siyaasadeed galeen.
Wadani