Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo hore u soo noqday Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirkii Arrimaha dibadda ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Marxuumka C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa hadda ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad ee Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay dowladii KMG ahayd, isagoo ka mida ahaa siyaasiyiinta ugu waaweyn xilligan.
C/llaahi Sheekh Ismaaciil wuxuu Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda kasoo noqday xukuumaddii Cali Maxamed Geedi ee dowladii C/llaahi Yuusuf sanadkii 2004-tii.
Wuxuu ahaa diblomaasi hore iyo safiir Soomaaliya u fadhiyey dalal ay ka mid tahay Ruushka, xilligii dowladii kacaanka. Waxaa la sheegay inuu u xanuunsanaa cudurka Covid-19.
Allaha u naxariisto waxaa geeridiisa tacsi u diray madaxda dowladda iyo xildhibaano badan. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday marxuumka.

