Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa shalay la wareegay xilka xoghayaha fulinta ururka IGAD, kadib markii uu dhowaan u magacaabay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ah guddoomiyaha sanadkan ee ururka IGAD.
Xilka Xoghayaha fulinta IGAD waxaa hore u hayey Mahboub Moalim oo Kenya u dhashay, waxaana xilkaasi ay dowladda Somalia u sharaxday wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya C/sallaan Hadliye Cumar, laakiin dalalka Itoobiya iyo Kenya oo isku wareejiya xilalka xoghayaha iyo guddoonka ayaa mar kale kala wareegsaday labadaasi xil.
Shirkii ugu danbeeyay ee madaxda IGAD ku yeesheen Magaalada Addis ababa ayaa la sheegay in Somalia ay u tasaasushay Itoobiya, halka Jabuuti oo arrintan ka hor timid uu booqasho ku tegay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed si loogu qanciyo arrintan.
Kenya ayaa lagu wadaa inay sanadkan cusub la wareegto guddoomiyaha urur Goboleedka IGAD, iyadoo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu xilkaasi kala wareegi doono Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
