Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Wasiirkii hore ee Batroolka oo Qoraal ka diyaaryay Qodobada ka maqan Heshiiskii Kheyraadka ee Baydhaba [Akhriso]

    Wasiirkii hore ee Batroolka oo Qoraal ka diyaaryay Qodobada ka maqan Heshiiskii Kheyraadka ee Baydhaba [Akhriso]

    June 12, 20185 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaan marka hore u hambalyaynayaa madaxda fulinta; heer federal iyo dowladaha xubinta ka ah, sidoo kale maamulka gobolka Banaadir heshiiska ay dhawaan ka gaareen qaabka doorashada 2020 iyo lahaanshaha, maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka (shidaalka iyo macdanta).

    Aniga oo ah Wasiirkii hore ee Batroolka & Macdanta, si qoto-dheerna ugu soo dhexjiray wada-xaajoodka kheyraadka dabiicaga ah, waxaan u mahadcelinaya dhamaan dadkii ka soo shaqeeyay in laga heshiiyo kheyraadka sida uu qabo qodobka 44-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah. Sida Wasiirka cusub ee Batroolka, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed uu sheegay markii uu warbaahinta la hadlay 7-dii June 2018, heshiiskaan waxaa laga soo shaqeynaayey muddo saddex sano ah.

    February 2015, Markii aan Wasiir ka noqday Wasaaradda Batroolka ayaan bilaabay inaan xiriir la sameyno dowlad goboleedyada, si aan heshiis ugu gaarno arimaha kheyraadka dabiiciga. Waxaan magacaabay koox wada xaajoodka noo qaabilsan, kuwaas oo safarkoodii ugu horeeyey ku tagay goboladda isla bishii March 2015.

    Ujeedada safarkaana waxay ahayd fikrad is-waydaarsi ku aadan arimaha kheyraadka dabiiciga ah. Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah waxay shirkoodii ugu horeeyay ku qabsadeen magaalada Muqdisho 21- kii October 2015-tii, si ay is faham siyaasadeed ugu gaaraan arimaha kheyraadka.

    Geedi-socodka wada xaajoodku mid adag ayuu ahaa, maadaama ka qeyb galayaasha ay aragtidoodu ay ku saleyneyd kala aamin baxa siyaasadeed ee dalka ka jirtay. Waxaan doonayaa, inaan u mahadceliyo shaqaalaha Wasaaradda Batroolka, kuwaas oo u dhabar adeygay xaaladihii la soo maray.

    March 2016, Dowladda Federaalka waxay heshiis ku meelgaar ah ee maamulka iyo dakhli wadaaga kheyraadka dabiiciga ah la gaartay dowlad goboleedyada Konfur-Galbeed iyo Galmudug. Hase ahaatee, doorashadii 2016 ayaa wada-xaajoodkii kheyraadka hakad gelisay.

    Wada-xaajoodkii kheyraadku waxey si rasmi ah dib ugu bilowdeen horaantii sanadkaan, ka dib markii Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubinta ka ah ay soo magacaabeen guddi wada xaajood, taas oo mirodhalkeedu noqday heshiiskii Baydhabo lagu gaaray 5 June 2018.

    Maadama aan ahaa Gudoomiyihii hore ee wada xaajoodka kheyraadka waxaan xog ogaal u ahay wixii noo hagaagay, waxaanan tilmaami karaa meelaha aan u baahanahay inaan ka hagaajino heshiiskaan.

    Qoraalkaan, waxaan ku ifinayaa qodobada muhiimka ah ee ka maqan heshiiskaan si aan isugu dheelitirno arimaha ku xeeran ka faaidaysiga kheyraadka dabiiciga ah.

    Ugu horreyn, waa arin farxad leh in Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubinta ka ah ay iska kaashadaan xal ka gaaridda qodobada ugu dhibka badan dib u eegista dastuurka sida lahaanshaha, maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka (shidaalka iyo macdanta). Sidoo kale waxaa xusid mudan in hogaamiyeyaashu u adeegsadeen wada-xaajoodka kheyraadka fursad lagu wada hadlo.

    Intaas ka dib, heshiiskan waxaa cinwaan looga dhigay “HESHIISKA LAHAANSHAHA, MAAMULKA IYO WADAAGA DAKHLIGA KHEYRAADKA DABIICIGA AH EE DALKA (SHIDAALKA IYO MACDANTA)” Tan macnaheedu waxay tahay waa heshiis buuxa. Heshiiska waxa uu ka kooban yahay afar bog (page). Waxaan loo qaateen aheyn in dhamaan arimaha lahaanshaha, maamulka iyo dakhli wadaagaba qoraal afar bog ah lagu soo koobi karo. Waxaa intaa dheer heshiiska kuma jiro qodob tilmaamaya sida wax looga badali karo ama loogu kordhin karo.Sida uu magaca sheegayo waxa uu heshiiska koobayaa shidaalka iyo macdanta.

    Inkasta oo shidaalka iyo macdanta dhulka laga wada qodo, taas macnaheedu ma ahan in isku si loo wajahi karo. Waxaa taas sii dheer, heshiiska waxa uu sheegayaa in la abuuro; Hay’adda Nidaaminta Shidaalka (Somali Petroleum Authority) balse ma sheegayo abuurista Hay’adda Nidaaminta Macdanta. Ma waxaa taas loola jeedaa in Hay’adda Nidaaminta Shidaalka ay macdantana maamulayso?

    Hadda, waxaa socda dib u eegista dastuurka, heshiiskanina ma kala saarayo qaybta aadaysa dastuurka iyo qaybta aadaysa shuruucda kale ee shidaalka. Waxaan ognahay haddii heshiskaan sida uu yahay loogu daro dastuurka waxaa adkaanaya berito in qodob dastuuri ah la badalo.

    Qodobka 1-aad ee heshiiska waxa uu sheegayaa in Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubinta ka ah ay isla maamuli doonaan ayaga oo wakiil ka ah dadka Soomaaliyeed. Dastuurka Ku Meelgaarka ahna wuxuu leeyahay Dowladda Federaalka ayaa maamuleysa arimaha dibadda, difaaca, dhalashada, socdaalka iyo maaliyada. Waxaa xusid mudan in khilaafka ka dhex taagan dowladaha Khaliijka ay banaanka keentay is garabyaaca ka jira Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubinta ka ah. Sidaas awgeed, suurtogal ma tahay in si hagaagsan ay u wada maamulaan kheyraadka dabiiciga Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubinta ka ah?

    Qodobka 2-aad ee heshiiska waxa u ka hadlayaa maamulka kheyraadka. Sidaan ognahay maamulidda shidaalka ma ahan wax fudud, maxaa yeelay waxay u baahan tahay aqoon iyo waayo aragnimo durugsan. Hadda ayada oo ay Soomaaliya ku yar tahay aqoontaas lagu maamulo ayaa waxa uu heshiisku amrayaa abuurista Hay’ada Nidaaminta Shidaalka, Shikadda Shidaalka Qaranka, Shirkadaha Shidaalka Dowlad Goboleedyada. Ayada oo ay horey usii jireen Wasaaradda Batroolka, heer federaal iyo heer dowlad goboleedyo. Hay’adahaan dhamaantood waxay u baahan yihiin in loo kala saaro howlahooda, loona helo aqoon iyo dhaqaale ay ku shaqeeyaan. Haddii intaas la waayo waa adag tahay in sida ugu haboon kheyraadka looga faaidaysto.

    Qodobka 3-aad waxa uu leeyahay dakhliga kheyraadka waxaa loo qaybsanayaa si isla’eg. Waxey taasi meesha ka saaraysaa daruufaha kala duwan ee ka jira dalka, maxa yeelay dowlad goboleedyadu isku daruuf ma ah.

    Qodobka 4-aad waxa uu sheegayaa in dakhliga kasoo xerooda kheyraadka shidaalka iyo macdanta lagu keydin doono khasnad (Account) gaar ah oo laga furi doono Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Laakiin ma sheegayo sida dhaqaalahan loo maaraynayo. Heshiiskaan ma tilmaamayo waxa la sameyn doono haddii Dowlad Goboleed ama Dowlad Gobooleedyada qaarkood gebi ahaan laga waayo kheyraad dabiici ah, sida gobolka Fujayra oo ka mid ah dowladaha iskutagga dalka Imiraatka Carabta aan looga helin kheyraad dabiici ah.

    Heshiisku ma cadayno xiriirka ka dhexeeya dakhliga iyo masuuliyadaha. Waxaan hadda maqalnaa Muqdisho oo ka cabanaysa inuu saaran yahay culeys badan. Heshiiska ma taabanayo sida loo xallinayo heshiiyadii la galay wixii ka danbeeyay 1991, xogtii hore (ka hor 1991) iyo xogta cusub (xogihii la aruuriyay wixii ka danbeeyay 1991).Sidoo kale heshiisku waxa uu ka gaabsaday goorta la badelayo qeybsiga boqoloyda ah(%). Sida la wada og yahay dalka iyo daruufaha dhaqaalaba way is badalaan.

    Sida caadiga haddii aanan heshiiska lagu sheegin goorta uu dhaqan gelayo, waxaa loo fasiraa inuu heshiiskaas dhaqangal yahay maalinta la saxiixay. Heshiiskaan ma sheegayo goorta uu hirgalayo iyo in baaralamaanka laga ansixin doono.

    Waxaan ku soo gebagebaynayaa in heshiiska kheyraadka dabiiciga uu yahay talaabo dhanka wanaagga loo qaaday, balse uu u baahan yahay in la kobciyo si uu u daboolo arimaha lahaanshaha, maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka.

    FG:Cilmi baaris soo socoto ayaa fiirin doonta natiijadda ka dhalan karta haddii howlaha ka fiidaysiga kheyraadka la bilaabo iyadoon la dhameystirin shuruucdii iyo nidaamyada lagama maarmaanka u ah.

    W/Q: Mohamed Mukhtar Ibrahim
    Wasiirkii hore ee Batroolka & Macdanta

    Batroolka Kheyraadka Kheyraadka dalka Shirka Baydhaba
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDalal badan oo Khamiista laga baadi goobayo dhalashada Bisha Shawaal & Ciidul fitriga oo lagu filayo….
    Next Article Ciidamada Amniga Caasimadda oo Caawa Fal dil ah ka geystay Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo