Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan askarta ku maqan dalka Eritrea iyo sababaha dalka loogu soo celin la’ yahay.
Baqdaadi ayaa sheegay inay jirto arrimo khaldamay oo ay xalin waayeen madaxda dowladda, taasoo keenay inay muddo dheer ciidamadaasi joogaan dalka Eritrea, ayna ka mid noqon karaan wararka la hadal hayo sida: In dowladii kharashka ballan qaaday inaysan bixin, iyo in rahan loo heysto.
“Askari dable ah in sanad iyo ka badan la hayo caqliga caadiga ah ma keenayo, waxaan aaminsanahay inuu jiro arrin ay xalin la’ dahay dowladda hadda jirta, waqtigii loogu talogalay way dhaaftay, qorsheyaashii laga lahaana waa suurageli waayeen..” ayuu yiri Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada oo u warrmay Goobjoog TV.
Wuxuu rajo ka muujiyey guddiga Ra’iisal wasaraha u saaray arrintan oo xog rasmi ah ka keenaan, loona howlgalo sidii loo soo celin lahaa wiilashada maqan, balse ay tahay inaysan madaxda been ka sheegin xaaladda askarta maqan.
