Wafdi ka kooban wasiiro ka socda xukuumadda Soomaaliya ayaa ka degay maanta magaalada Buuloburte ee ku magacaaban caasimadda maamul gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana wafdiga ka mid ahaa wasiirada arrimaha gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.
Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay xoojinta dadaalka loogu jiro shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana garoonka Buuloburde ku soo dhoweeyay ma’suuliyiinta degmada iyo saraakiisha AMISOM iyo kuwa ciidamada Soomaaliya.
Labada wasiir ayaa la sheegay inay maanta dhagax dhigeen xarunta Madaxtooyada Maamul Goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo dhismaheeda ka bilaabayo magaalada Buuloburte, waxaana xafladaasi laga muujiyay in labada gobol aanay kala go’i karin.
Dhagax dhigga xarunta Madaxtooyad ee Buuloburte ayay dowladda Soomaaliya ku muujineysaa inay daacad ka tahay caasimadnimada degmadaasi ee maamulka labada gobol oo shaki badan ay geliyeen siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda Beel ka tirsan kuwa gobolka Hiiraan dega.
Wadani.com