Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaalia ayaa la sheegay inay kasoo horjeesteen go’aankii laga gaaray Kiiska C/kariin Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax], inkastoo laga cod batay.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in dhowr wasiir oo ka mid ah xukuumadda ay ka gows qabsadeen taageeridda go’aankii Xukuumaddu ka qaadatay kiiskii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ee loo gacan-geliyay dowladda Itoobiya.
Wasiirada go’aanka u cutami waayay ee doodda ka keenay waxaa ka mida: Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maryan Qaasim Axmed, Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib u heshiisinta Cabdi Faarax Saciid [Juxa].
Dood dheer kadib waxaa mowqifkeeda diidmada go’aanka ku adkeysatay Dr. Maryan Qaasim, iyadoo wasiiradii kale ay taageereen ama ka aamuseen codkii lagu ansixiyay go’aankii dowlada.
Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in arrintiisu ay ahayd mid cad, isagoo aan a labalabeymn arrinta sarkaalka ONLF ee Cabdikariin Qalbi-dhagax. Wuxuuna ahaa go’aankii ugu cuslaa ee dowladda Soomaaliya ay dhowaanahan gaarto.
Wadani