Qaar ka mida wasiirada xukuumadii C/weli Sheekh Axmed ee baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kala noqday ayaa u xayirmay wareegtadii uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo safaradda dibadda looga mamnuucay xubnaha golaha wasiirada haddii aanay fasax ka heysan madaxweynaha.

Wasiirada sida degdegga ah arrintan ay saameysay waxaa ka mida wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow oo la filayay inuu maanta ka dhoofo dalka, kadib markii ay soo baxday wareegtadana lagu war geliyay inuusan bixi karin, taasoo ku qasabtay inuu baajiyo safarkiisa.
Wasiirka Tacliinta sare Ducaale Aadan ayaa isagana la sheegay inay sidaas oo kale ku dhacday oo uu qarka u saaran yahay inuu kansalo shir muhiim u ahaa, waxayna labadan wasiirba ka mid yihiin xubnaha golaha wasiirada ee taageersanaa Ra’iisal wasaaraha, kuwaas oo u arka wareegtadan in iyaga looga aargudanayo.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]