Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia oo tegay magalada Beledweyne ayaa ka hadlay xaaladda dhabta ah ee ay ku arkeen magaalada, iyagoo ka deyriyey xaaladda adag ee magaalada iyo caqabadaha heysta Gurmadka.
Xildhibaan Daahir Jeesow oo ka mida xildhibaanada tegay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in magaalada ay go’doon ku jirto, isla markaana aanu shaqeyneynin garoonkeedii oo kaliya lagu tegi karo diyaarad helikobtar ah, taasoo keenay in gargaarkii loogu talogalay la gaarsiin waayo, wuxuuna ka digay in xaaladda ay tahay mid adag oo aan wax loo qaban karin dadka biyaha ku dhex go’doonsan.
Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre oo hoggaaminayey wafdiga labada gole ee jooga magaalada Beledweyne ayaa sheegay in xaaladda magaalada Beledweyne ay tahay mid adag oo aan loo kala tegi doonin inta laga helayo qorshe looga hortago in magaalada Beledweyne ay xilli kasta daadad iyo fatahaad saameeyaan.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada ayaa sheegaya in biyaha dhex yaalla magaalada ay xoogaa yaraadeen, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dadka barakacay lagu gaaro.