Khilaaf ka dhex taagan wasaarad kale ayaa soo shaac baxay kadib markii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim uu ka hor yimid qoraal uu wasiirka Wasaaraddaasi kusime uga dhigay ku xigeenkiisa.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle uu ku-sime u magacaabay wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow, inta uu Wasiirku dalka ka maqan yahay., intii aanu u dhoofin Magaalada Brussels, isagoo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ee shirka ka qeyb galaya.
War qoraal ah oo uu soo saarey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim ayuu ku sheegay in Warqada Wasiirka Maaliyadda uu kusimaha uga dhigay Wasiir kuxigeenka ay tahay mid ka hor imaaneysa Xeer hoosaadka Golaha Wasiirada oo kala cadeynaya xilalka iyo Masuuliyadda Wasaaradda.
Wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowladda Wasaaradda Maaliyadda ayaa tan iyo intii la magacaabay waxaa u dhaxeeyay khilaaf salka ku haya awoodda wasaaradda iyo maamulkeeda, waxaana dhowr jeer arrinta hoos u dhex galay Ra’iisal wasaare Kheyre, iyadoo mar kale ay dibadda u soo baxday loolanka Wasaaradda Maaliyadda ka dhex jira.
Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir ayaa ku xiddideystay Wasaaradda, wuxuuna dhibaato u arkaa wasiir Beyle oo wax badan ka bedelay howlihii Wasaaradda iyo agaasimeyaashii uu qaarkood saaxiibo la ahaa Mudane Xayir.
KASHIFAAD: Maxaa ka dhex jira Wasaaradda Maaliyadda..? [Wasiiru Dowle ka dhex wada olole Beeleed]