Wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka C/llaahi Maxamed Nuur ayaa goor dhoweyd ku guuleystay xildhibaan ka mida aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Kursigan oo si weyn loogu loolamay ayaa codeyntii loo qaaday goor dhoweyd waxaa ku guuleystay C/llaahi Maxamed Nuur oo helay 28 cod. Musharixii loolanka adag kula jiray wasiiru dowlaha ee Bashiir Caddow ayaa helay 21 cod, halka Salaad Cali Jeelle uu helay 1 cod oo qura.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in kursigan uu noqday mid ka mida kuwa ugu dhaqaalaha badan oo lagu kala qaatay lacag ku dhow Hal Milyan oo doolar oo musharixiinta mid waliba uu bixiyay lacag la siinayo ergada.
Musharixiinta ku loolamay kursigan waxay kala ahaayeen;
- C/llaahi Maxamed Nuur – Wasiiru dowlaha Maaliyada
- Bashiir Caddow Calasow – Xildhibaanka kursigan hore u heystay
- Salaad Cali Jeelle – Siyaasi caan ah
- Daahir Maxamed Sheekh Nuur
C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka mida taageerayaasha madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna sii kordhineysaa taageerada madaxweynaha ee xidhibaanada kasoo galay Hirshabeelle.
Wadani.com