Wasiiru dowlaha Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta hortegay fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo raaligelin ka bixiyey gef uu sheegay inuu ka dhacay oo ku saabsanaa Lahjada Maayga.
Wasiiru dowlaha Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa Baarlamaanka ka hor sheegay in hadalka gefka ah uu si khalad ah oo aan ku talogal ahayn afkiisa u soo dhaafay, wuxuuna sheegay inuu raaligelin ka bixinayo khaladka ka dhacay.
Xildhibaan Fanax oo arrintan ay qabsatay markii uu su’aal weydiiyay wasiiru dowlaha ayaa iska ka hadlay fadhiga Baarlamaanka isagoo sheegay inuu aqbalay raaligelnta, una guddoomay raaligelinta.