Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Wax ka ogow 5-ta Maalqabeen ugu lacagta badan Soomaaliya [Majaladda FORBES]

    Wax ka ogow 5-ta Maalqabeen ugu lacagta badan Soomaaliya [Majaladda FORBES]

    August 29, 2017Updated:May 30, 20213 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Somalia oo lagu sheego dal fashilmay, kana soo kabanayso Dagaalladii Sokeeye waxaa lagu ammaanaa dadaalkooda ku aadan noocyadda Ganacsiga.

    Maalqabeenadda Ganacsatadda ah ayaa waxay u kala qeybsamaan dhowr dabaq, waxaa jira kuwa dakhligooda hooseeyo iyo kuwo uu dakhligoodu sarreeyo oo asaasay Shirkado Ganacsi oo kala duwan.

    Ganacsatadani waxaa sannadkiiba soo gala dakhli xad-dhaaf ah, oo marka xisaab ahaan loo eego lacagtooda noqonaysa ilaa 8 tiro, taasi oo lagu asteeyo Maalqabeenadda haysta Malaayiinta Dollar.

    Magacyadda Maalqabeenadda ka soo jeeda Somalia kama dhex sharqamaan Maalqabeenadda Afrika, waxaana laga yaabaa inaadan hadda ka hor maqlin magacyadooda.

    Majaladda FORBES ee inta badan diiradda saara Arrimaha Dhaqaalaha, isla markaana galaangal u leh Xogaha Qarsoon ee Taajiriinrta Milyoneeradda ah (Multi-Millionaires) ayaa waxa uu soo bandhigay 5-ta qof ee ka soo jeeda Somalia ee Maalqabeenada ah.

    1- Abdirashid Ducaale waa Madaxa Fulinta ee Shirkadda Xawaalladda ee Dahabshiil, oo ah Shirkad Caalami oo in ka badan 24,000 oo Xafiis ku leh 126 dal, waxaana u shaqeeya in ka badan 2,000 oo qof.

    Aabihiisa ayaa la sheegay inuu ahaa Asaasihii Shirkadda Ganacsiga Dahabshiil, isagoo dhidibada u dhigay bilowgii sannadihii 1970-aadkii

    C/rashiid Ducaale oo 40-jir ah waxa uu haystaa Dhalashadda UK, waxayna Xarunta dhexe ee Shirkadda Dahabshil ku taalla magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ee Midowday (UAE).

    Wargeyska FORBES waxa uu qoray in dakhliga Shirkadda Dahabshil ee sannadkii hore uu dhamaa hal billion oo Dollar ($1 billion).

    Shirkadda Dahabshiil Group waxay kaloo leeyihiin Bangi Ganacsi oo ka hawlgala gudaha Somalia. C/rashiid Ducaale waxa uu leeyahay 95% saamiga guud ee Shirkadda Isgaarsiinta ee Somtel. Waxa kale oo uu hanta ku leeyahay magaallooyinka London, Dubai iyo Hargeysa.

    2-Cabdirisaaq Isaaq Iidow: Waa Asaasaha iyo saamileyda Shirkadda Isgaarsiinta ee Nationlink Telecom oo ah mid ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ee ugu waa weyn gudaha Somalia.

    Ganacsadahan waxa uu deggan yahay magaalladda Dubai, wuxuuna Shirkadda Nationlink asaasay sannadkii 1997-dii.

    Shirkadda ayaa bixiya Adeegga Telefoonadda Mobaylka iyo Internet-ka, waxayna leedahay in ka badan 700,000 oo macaamil u ah Adeegyadda Nationlink.

    3- Maxamed Abshir Cabdi: Waxa uu hantida uu haystay ka helay ganacsiga cuntada badda (seafood). Waxa uu oleeyahay Shirkadda Kalluumeysiga ee Xaafun (Hafun Fishing Company) oo uu asaasay sannadkii 1992-kii.

    Waxa uu ku leeyahay dhoofinta, qeybinta iyo iibinta wax-soo-saarka cuntada Badda, sida Aargoostada iyo Hilibka qalalsan ee Libaax Baddeedka (dried shark meat).

    Shirkadda waxaa sannadkii soo gala dakhli ka badan 10-million oo Dollar.

    4- Ismaaciil Axmed: Waa Asaasaha iyo Madaxa Guud ee Fulinta Shirkadda Xawaaladda WorldRemit oo Xaruntooda Dhexe ku taallo magaalladda London.

    WorldRemit waxay Lacagaha Xawaaladda ku bixiyaa si Online ah, waxayna Macaamiisha u sahashaa sidii ay Lacag ugu diri lahaayeen saaxiibadodoa iyo qoysaskooda ku nool dalalka kale.

    Sannadkii 2015-kii, Hantida Shirkadda WorldRemit waxa uu ka sare maray 100 million oo Dollar.

    5- Amina Mooge Xersi: Waalidkeeda waxay ahaayeen socoto ka soo tahriibay Somalia, waxayna deggeen Degmadda Bungoma ee Galbeedka dalka Kenya.

    Amina waxay ku dhalatay, kuna soo barbaartay Bungoma, Markii ay kortay waxay ka shaqeyn jirtey Bakhaar ay Hooyadeeda ku lahayd gudaha dalka Uganda.

    Amina Xersi oo 64-jir ah waxat haayan milkiyad u leedahay qaar ka mid ah dhismayaasha (Real Estate) ee magaalladda Kampala, oo ay ka mid yihiin Dhismaha Ganacsiga ee Oasis Shopping mall iyo Hotelka Laburnam Courts.

    Waxay kaloo leedahay Warshad soo saarta Sonkorta rr lagu magacaabo Atiak Sugar Factory.

    Waxay kaloo 120-million oo Dollar ku horumarinaysaa Wershad Sonkor oo ku taalla Gobalka Waqooyi ee dalka Uganda.

    5 Multi-Millionaires From Somalia You Should Know
    C/rashiid Dahabshiil C/risaaq Iidow Ismacil Axmed Maalqabeenada Soomaaliya Maxamed Abshir Cabdi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWakiilka Q/Midoobay Micheal Keating oo booqday Xarunta Aqalka Sare [Sawirro]
    Next Article Cali C/llaahi Cosoble oo Magaalada Beledweyne uga dhawaaqay Go’aan cusub [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo