Website ay shaacisay wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somalia in baahinayo natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Sanad Dugsiyeedka 2018-2019 ayaa shaqeyn waayey isla markii uu shaaciyay wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre.
Website-kan oo cinwaankiisu yahay SONEB.GOV.SO ayuu sheegay Wasiirka Waxbarashada in arday kasta uu ku gelayo Rool Lambarkiisa, kadibna ay u soo baxeyso natiijada, balse daqiiqado gudahooda ayuu Website-kii noqday mid la gaari waayey oo aan shaqeyneynin, waxayna arday badan ka cabaneysaa inay awoodi waayeen inay galaan web-kaasi.
Sida ka muuqata Webtiste-ka ayaa xamili waayey tirada dadka badan ee halkii mar dalbanaya inay galaan, taasoo keentay cilad salka ku heysa baaxad yari aan lagu talogelin iyo serverka website-ka dowladda oo is xiray, xaalad ka dhalatay inuusan qaadi karin kumanaanka qof oo mar qura adeeggaasi gelaya.
Ardag badan oo ku hungoobay inay natiijada imtixaankooda ogaadaan ayaa cabasho ku qoray bogga FB ee wasaaradda Waxbarashada, iyadoo aan weli jawaab kasoo bixin wasaaradda Waxbarashada, waxaana markii danbe saqdii dhexe kadib uu hawada ku soo laabtay, inkastoo mararka qaar uu haddana ciladda la yimid, waxaana saaka xilligii hore suuragashay inay ardayda galaan website-ka markii uu culeyskii yaraaday.
Website-kan natiijada imtixaanka ayaa ah horumar ay gaartay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo hore kumanaan magacyo la soo dhigi jiray warbaahinta dowladda oo waqti qaadan jirtay si loo helo natiijada.
Wasiir Goodax ayaa farriin dhigay bartiisa Facebook ku yiri: “Dhammaan ardayda daneyneysa in ay arkaan natiijadooda, waxaan ka codsaneynaa in ay muujiyaan dulqaad, maadaama website-ka dadka booqanaya ay aad u badanyihiin, isla markaana uu culeys badan ka jiro.”.
