Howlgal ka dhacay inta u dhexeysa degmada Galcad iyo Degaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay saddex ka mida koox Alshabaab ay oo degaankaasi dhibaatooyin ka waday.
Weerarka ayaa ka dhacay Tuulo Aflax oo 45 KM u jirta, waxaana qaaday ciidmada degaanka oo dhowr maalmood daba joogay kooxdan oo adeegsan jirtay Gaari NOAH ah iyo Mooto, waxaana lagu dilay 3 xunood iyadoo lagula wareegay Gaarigii ay wateen.
Taliye Maxamed Jowle ayaa sheegay inay howlgalka fuliyeen ciidamada degaanka oo duurka u galay arintan, wuxuuna intaas ku daray in kooxdan ay dhibaato weyn ka waday degaanadaasi oo Miinooyin ku saari jiraan jidadka, balse lasoo afjaray, hubkoodii iyo gaadiidkoodii lagala wareegay.
Wuxuu sheegay inuusan xqiijin karin dilka Daahir Calasow oo madax ka ahaa kooxdan, balse saddex of meydoodka, Gaariga iyo hubkooda ay soo bandhigeen.