Qarax xoog leh ayaa saaka lala beegsaday xarunta degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, iyado laga maqlay inta badan magaalada.
Wararka laga helayo qaraxa ayaa sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaasoo ay u suuragashay inuu gudaha u galo xarunta degmada. Qarax ayaa geystay qasaara dhimasho, dhaawac iyo burbur leh, sida ay ku soo waramayaan saxafiyiinta goobtaasi gaartay.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 3 qof, dhaawacuna intaa ka badan yahay, waxaana goobta xiray ciidamada amniga, iyadoo uu socdo gargaarka degdega ah ee loo fidinayo dadka waxyeeladu soo gaartay.
Waxaa lagu soo waramayaa burbur weyn oo ka dhacay xarunta degmada Hodon, wuxuuna weerarkani imaanaya toddobaad kadib markii weerar kale oo is-miidaamin ah lagu burburiyey xarunta degamada Howlwadaag.