Nin ku hubeysan Baangad ayaa magaalad Paris weerar ku qaaday askari ilaalo ku jiray meel u dhow matxaf weyn oo dad badan u dalxiisa tagaan.
Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Louvre ee magaalada Paris, waxaana askariga uu shan xabadood ku riday ninka weerarka ku soo qaaday oo la sheegay inuu ku qeylinayay ALLAAHU AKBAR.
Booliska ayaa sheegay in ninka uu doonayay inuu galo xarunta ganacsiga weyn ee Louvre’s shopping centre, laakiin qaarka hoose si xun looga dhaawacay, waxaana sidoo kale madaxa dhaawac ka gaaray askari Boolis ah.
Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Bernard Cazeneuve ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid u eg argagixiso. Dad gaaraya 200 qof ayaa lagu xiray xarunta ugu daawashada badan ee maxtafka Louvre, iyadoo markii dambe la fasaxay.
Wakaalado