Weerar is khaarijin ah ayaa maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhex maray koox dabley ah iyo askar ka tirsan ciidamada amniga.
Koox bistoolado ku hubeysan ayaa weerar ku qaaday askar ka tirsan ciidamada dowlada oo ku sugnaa Suuqa Bakaaraha, waxayna dileen askari iyagoo dhaawacay askari kale.
Waxaa si la yaab leh u dagaalamay askarigii dhaawaca ahaa oo awooday inuu isagoo dhaawac ah A uu toogasho ku dilo mid ka mida dableydii weerarka ku soo qaaday.
Muddo kadib ayaa ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka oo soo qaaray askarigii meydka ahaa iyo kii dhaawacmey.
Falka ayaa dadka Suuqa Bakaaraha ku sugnaa sheegeen inuu ahaa mid ay la yaabeen sida geesinimada leh ee askariga la dhaawacay u weeraray.
Wadani.com