Koox bistoolado ku hubeysan ayaa fal dil ah ka geystay magaalada Muqdisho xaafadda Warshadda Baastada ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Dilkan oo ay sheegatay Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa agu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda iyadoo mid kalena lagu dhaawacay, waxayna wararku sheegayaan in askarigii kale uu dhintay, sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Jarane.
Dadak degaanka ayaa sheegay in askariga dhaawacmay uu rasaas isaga caabiyay dableyda, waxaana goobta ka baxsaday dableydii Al-shabaab ee weerarka geystay.
Falalka dilalka iyo qaraxyada ah ayaa sii xoogeysatay magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada amniga aanay ku guuleysan inay wax ka qabtaan.