Wararka laga helayo magaalada Caabudwaaq ayaa sheegaya in koox dabley ah ay rasaas u fureen askar la socotay meydka Nin Saaka lagu qisaasay magaaladaasi, iyadoo dhimasho iyo dhaawac uu dhaliyey weerarka.
Waxaa degmada Caabudwaaq maanta lagu fuliyay Dil toogasho ah oo lagu qisaasay Axmed Dhagadheere oo lagu hela inuu dilay Marxuum Faarax Cumar Geelle oo ahaa taliye ku xigeenkii Nabadsugidda Galmudug iyo walashiis Xaawo Cumar.
Kadib toogashada ninkan oo meel fagaare ah ka dhacay ayaa waxaa meydka soo qaaday ciidamo ka tirsan NISA, iyago geeyay xaafadda Qoykiisaa deganaayeen si ay u aastaan, laakiin dableyd ka tirsan Jufada Ninka la toogtay ayaa weerar ku qaaday oo rasaas ku furtay Gaarigii Meydka lagu waday.
Waxaa la sheegay inay weerarka ku dhinteen laba askari, saddex kalena ay ku dhawacmeen oo ka tirsan ciidamadii la socday Meydka ee NISA.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in is rasaaseynta oo ka dhacday Xaafada Kowda Luulyo ee degmada Caabudwaaaq ay istaagtay markii danbe, waxaana degan xaaladda degmada inkastoo ay jirto xiisad cusub oo la dhalatay weerarkan lama filaanka ah.
Degmada Caabudwaaq ayaa caan ku ah dilalka beelaha iyo kuwa aanooyinka ku dhaca, waxaana sanadihii ugu danbeeyay lagu laayey dad kala duwan oo bulshada degaankaasi ka mida.
