Weerar Hoobieyyaal ah ayaa goordhoweyd lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo dhowr madfac ay ku dhaceen agagaarka Villa Somalia..
Madaafiicda oo dadka degaanka ay ku sheegeen ilaa saddex Hoobiye ayaa ku dhacay gudaha madaxtooyada gaar ahaan meel ku dhow Gurigii ay ku shaqayn jirtay Xukumadii Cumar C/rashiid oo ku yaala Albaabka madaxtooyada Soomaaliya.
Qaar ka mia Hoobieyyaasha ayaa ku dhacday xaruntii Ex fiyoore oo kaabiga ku heysa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inay dhaawacyo kasoo gaareen 5 qof, waxaana weli socda gurmad, halka warar aan la xaqiijin sheegayaan in dad shacab ah ay dhinteen.
Madfaca saddexaad ayaa ku dhacay agagaarka Godka jilacow ee degmada Boondheere, mneel u dhow gurigii Guddoomiyihii horeee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ee ku yaala Madaxtooyada Gudaheeda kuna dhaw Guriga Golihii hore ee Wasiirada Soomaaliya.
Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan qasaaraha madaafiicda iyadoo lagu soo beegay xilli ay shirkii toddobaadlaha ahaa lahaayeen Golaha Wasiirada Soomaaliya