Qaraxyo madaafiic ah ayaa maqribnimadii Caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo hoobiyeyaal lagu weerarray xarunta Xalane.
Ilaa Afar Madfac ayaa laga maqlay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley, kuwaasoo dhinaca Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku dhacay, waxaana lasoo weriyey inay qaraxyo ka dhaceen gudaha xarunta Xalane.
Weerarkan ayaa ka mid noqonaya weerarro is dabajoog ahaa oo Alshabaab dhowaanahan ku qaadeysay Xalane iyo degaanada u dhow.
Dad badan aya isweydiinaya sida ay Alshabaab ugu suuragashay inay Muqdisho dhexdeeda ka geystan weerarro hoobiyeyaal loo adeegsanayo oo si joogto loogu qaadayo Xalane.