Weerar loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof is-miidaamiye ah ayaa saaka aroortii lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug 170 KM u jira magaalada Gaalkacyo.
Wararka laga helayo degaankaasi ayaa sheegaya in Gaariga qarax geystay uu ahaa nooca Toyoto Lanccuriuser (Leyla Calaawi), iyadoo lagu weerarray saldhiga Taliska qeybta 21-aad ee ciidamada Mlateriga, waxaana ku dhintay laba askari oo ahaa ilaalada Saldhigga, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada dowladda.
Xubno ka tirsan Wasaaradda Amniga Galmudug oo aan la xiriirnay ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen Gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ay Al-Shabaab ku weerareen Saldhiga Ciidamada ,isla markaana Gantaal lagu dhuftay gaariga ay ku geeriyoodeen dhamaan Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee saarnaa.
Sarakiisha ciidamada dowladda ee saldhiggaasi ayaa sheegay in weerarka is-miidaaminta ah uu dhacay 06:30 sabxnimo ayna ka shakiyeen ciidamada Gaariga, kadibna rasaas ku fureen, markaasoo ku qarxay dibadda Saldhigga.

Xaaladda degaankaasi ayaa degan qaraxa kadib, waxaana lagu eedeeyay inay ka dambeysay kooxda Alshabaab, iyadoo aanu dhicin weerar kale oo Gaariga qaraxa daba socday.