Koox dabley ah oo bistoolado ku hubeysan ayaa goor dhoweyd weerar ka fulisay xaafadda Buundooyinka degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in dableyda oo dhowr qof ka koobnaa ay rasaas ku fureen rag wararka aan la xaqiijinin sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada dhar-cadka ah ee hay’adda NISA, waxaana goobtaasi lagu dilay saddex qof, iyadoo la dhaawacay mid kale oo isna la sheegay inuu dhintay.
Dableyda weerarka geystay oo loo maleynayo inay Alshabaab ka tirsan yihiin ayaa goobta ka baxsatay, waxaana halkaasi gaaray ciidamada Amniga oo baaritaan ka sameeyay, inkastoo lagu guuleysan in la qabto dableyda.
Marar badan ayaa weerarto noocan oo kale ah ka dhaceen degmada Waaberi ee Gobolka Banadir, kuwasoo lagu beegsaday ciidamo ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugidda ee NISA, kuwooda dhar-cadda ah.
Ma jirto weli cid sheegatay weerarkan, iyadoo aanay hay’adaha amniga dowladda wax Wararka ayaa sheegaya ah kasoo saarin, waana weerarkii ugu qasaaraha badnaa ee goob qura lagu dilo tiro intaas la eg.
