Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Weerarka Xabsiga Boosaaso: Maxaabiis baxsatay iyo Taliyihii Jeelka oo la dhaawacay (Faahfaahin)

    Weerarka Xabsiga Boosaaso: Maxaabiis baxsatay iyo Taliyihii Jeelka oo la dhaawacay (Faahfaahin)

    March 5, 2021Updated:March 5, 20212 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Koox hubeysan ayaa xalay Saqdii dhexe weerar ku qaaday Xabsiga weyn ee Gaalshiraha magaalada Boosaaso, iyadoo rasaas xoog leh iyo qaraxyo lagu galay xabsiga.

    Weerarka xabsiga Boosaaso oo ahaa mid qorsheysan ayaa la sheegay inay ka qeyb qaateen maleeshiyo badan, iyadoo duledka magaalada laga soo riday hoobiyeyaal, isla markaana dagaal xoog leh uu dhex maray ciidiamadii ilaalada xabsiga, ciidamo gurmad ahaa iyo maleeshiyadii weerarka ku qaaday Xabsiga.

    Taliyaha Booliska ee qaybta Gobalka Bari ee magaalada Boosaaso, Xuseen Cali Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in weerarka laga hortegay, lana soo afjaray oo xaaladu caadi tahay.

    Wuxuu qirtay in askari ka dhintay ciidamada xabsiga, halka laba kale ay dhaawacmeen, sidoo kalena taliyaha Xabsiga uu dhaawac firir ah soo gaaray, aadna u fiican yahay, wuxuuse caddeeyay in maxaabiis laga soo qabtay magaalada oo qaar ay baxsadeen, isla markaana tirokoobku socdo.

    Wararka laga helay magaalada Boosaaso ayaa xaqiijinaya inay kooxda weerartay Xabsiga oo Alshabaab ka tirsaneyd ay gudaha u galeen xabsiga, kana sii daayeen maxaabiis badan, isla markaana qaar ka mida maxaabiista ay ehelkooda la xiriireen, una sheegeen inay baxsadeen.

    Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka xalay lagu qaaday Xasbiga magaalada Boosaaso, waxayna War ay soo saartay ku sheegtay inay maxaabiis uga xirnaa xabsiga kasii deysay.

    Maleeshiyada weerarka ku qaaday Xasbiga weyn ee magaalada Boosaaso ayaa la sheegay inay ku dhowaadeen 100, isla markaana weerarkoodu ahaa mid xoog leh oo. aanhore loo arag, iyadoo arrintan noqoneyso fashil weyn oo dhinaca amniga ah.

    Alshabaab Puntland Weerar Xabsiga Boosaaso
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShirkii RW Rooble iyo Musharixiinta Madaxweynaha oo lagu kala tegay (Akhriso Qodobkii fashiliyey shirka)
    Next Article Alshabaab oo shaacisay inay boqolaal Maxaabiis ah kasii daayeen Xabsiga Boosaaso (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo