Sirdoonnada reer Galbeedka yaa maalmihii ugu danbeeyay soo saaray warbixinno ku saabsan suuragalnimada qaraxyo argagixiso oo ka dhaca Geeska Afrika, iyagoo digniin u diray dadkooda.
Magaalooyinka sida weyn looga digay in al beegsan doono waxaa ka mida Muqdisho, iyadoo digniintii ugu horeysay ay kasoo baxday Mareykanka oo Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi ay shaacisay in dadka Mareykanka ah aanay u safri karin Soomaaliya.
Digniinta wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka lagu sheegay inay Soomaaliya tahay meel halis ah, qatar badanna ka jirto ayna dhici karto inay ka dhacaan falal argagixiso, iyadoo kooxaha argagixisada ah ay qorsheynayaan weerarro ay ku qaadaan goobaha Dekadaha, Garoomada Diyaaradaha, Dhismayaasha Dowladda, Hoteellada iyo Suuqyada.
Sanad kasta waxaa caadi ah marka la gaaro dhammaadkiisa iyo dhalashada sanadka cusub in digniino noocan oo kale ah ay soo baxaan, iyadoo kooxaha Alshabaab ka mid tahay ay weerarro waaweyn ku soo beegaan sanadka cusub.