Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»WEJIGA DHABTA AH EE JENERAAL MUUNGAAB: Wadaad Diimeed mise Siyaasi dhexdhexaad ah?

    WEJIGA DHABTA AH EE JENERAAL MUUNGAAB: Wadaad Diimeed mise Siyaasi dhexdhexaad ah?

    February 19, 2017Updated:February 19, 20176 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Siyaasaddu ma lahan  saaxiib joogto ah  laakin waxay leedahay Maslaxo joogto ah. Asal ahaan waxaa la rumaysan  yahay siyaasiga Gen. Xasan Maxamed Xuseen {Muungaab}  in bilowgiisii  hore  uu ka tirsanaa xertii dariiqada Suufiyadda Al- Qaadiriya.

    Xilligii bur-burka Soomaaliya kadib intii u dhaxeysay 1992-1998-dii wuxu wax ka baranjiryay masjidyadii ay maamulayeen ururkii  Al-itixaad, (Al-Ictisaam) waqtigaasi waxaa Muungaab si ballaaran uga dhaa-dhacdey fekradii Wahaabiya (Salafiya), wallow aanu marna  ku biirin ururkaasi.

    Horraantii Sanadkii 1999 Gen. Mungaab wuxuu waxbarasho dhinaca tacliinta sare ah u aadey Dalka Suudaan , intii uu joogay Wadankaasi Muungaab wuxuu  ka soo daadegay  fakirkii seef la boodnimada ee wahaabiyadda , wuxuuna waayahiisii Suudan uu ka dhaxlay qunyar socodnimo.

    2001-dii dadaal dheer kadib wuxuu ku guuleystey in loo doorto Gudoomiyaha Ururka ardayda Soomaaliyeed ee  Suudaan, guushaasi ayaa lala xiriiriyaa  inay ka dhalatey madax banaanidii Muungaab  oo xilligaasi hoggaaminayay Koox  loo yaqiinay Al-mustaqiliin oo  ka madax banaanaa Kooxihi urur diimeeyada sida  Al islaax, Aala sheikh iyo Al itixaad ee ku sugnaa  Suudaan.

    Dadka taxliiliya arimaha xarakooyinka Soomaaliya qaarkood ayaa aaminsan in   intii lagu guda jirey  2001-2002-dii waa xilligii uu ahaa Guddoomiyaha Ururka Ardayda   inuu Muungaab  si  qarsoodi ah ugu biiray   Al islaax, hadal hayntaasi oo in muddo ah taagneyd ayaa markii dambe  la xaqiijiyay inaanay sax aheyn kadib markii Muungab laga waayay  shirarkii  iyo Hab dhaqan urureedka lagu yaqiin kooxda  Al-islaax sida Shucbada, Katiibada,  Usrada,  Iwm, helitaanka xaqiiqooyinkaasi ayaa si buuxda loogu ogaadey inaanu marnaba Muungaab isu dhiibin Al-islaax balse ay lahaayeen  wada shaqeyn oo kaliya.

    Bartamihii Sannadki 2005-tii Muungaab wuxuu dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho isagoo ka soo qeyb galay shirkii Imbagathi ee Wadanka Kenya, imaatinkiisii kadib wuxu bilaabay inuu  Macalin ka noqdo Dugsigii  Sare ee Jubba  isla markaana wuxuu  ka hawl galay Xafiis Nootaayo uu isagu lahaa,  dhawr sanno kadib oo ku beegneyd sannadkii 2008-dii wuxuu markii ugu horeysay fursad u helay in uu  ku biiro  Siyaasadda,   wuxuuna nasiib u yeeshay in loo magacaabo  Mustashaarka safaarada Soomaaliya ee Sudaan.

    Magaca Muungaab waxaa si baahsan loo bartey markii uu Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed u magaacabay Gudoomiyaha  Maxkamadda  Ciidamada Qalabka Sida,  isbadal iyo shaqo aan caadi aheyn ayuu ka sameeyay maxkamadaasi, wuxuuna si firfircoon uga soo dhalaalay  hawshii loo igmadey ee Garsoorka Ciidamada QS , dadka u dhuunduleela arimaha xarakooyinka ayaa qaarkood qabay in Muungaab xiligaanin Kooxda Aalo- Sheikh  ah.

    Isbadalkii Dalka ka dhacey sanadkii 2012-kii ayaa muddo kadib waxaa lagu baraarugey Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka  ee xilligaasi Mudane:  C/kariin Xuseen Guuleed oo si xad dhaaf ah ugu  ololeynaya sidii Gen. Muungaab looga dhigi lahaa Gudoomiyaha G/Banaadir iyo Duqii Magaalada Muqdisho, maalmahaasi waxaa Muungaab  laga maqli jiray isagoo sheeganaya inuu yahay  Damjadiid, taasoo ahayd dhaqan aan lagu aqoonin xubnaha dhabta ah ee Ururka Al- Islaax, ayna daliil cad u ahayd in aanu Muungaab ahayn Damjadiid dhab ah, halka  dadka qaar ay  qabaan  in Qirashada Muungaab ee ah in uu yahay Damjadiid ay uun ka ahayd kaambayn uu ku doonayay in uu ku kasbado kalsoonida  Kooxdaasi  oo shire wadaag la ahayd Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud, halka dadka qaarna ay qabaan in Muungaab isla xiligaasi uu ku biiray Kooxda Damjadiid oo ah garab ka mid ah garbihii urur weynihii Al islaax

    Su,aasha dad badan jahwareerka ku riday ayaa ahayd sida lagu kala ogaan karo qofka dam jadiidka dhabta ah iyo midka iska yeelyeelka ah (Dan jadiidka ah )arintaas oo ah mid salka ku haysa burburkii iyo kalaqaybsanaantii uu lakulmay ururweynihii Al-Islaax taa oo irdaha u furtay in qofkasta oo maalin uun shaah lacabaa Kooxda Damjadiid loo nisbeeyo ama lagu shaabadeeyo in uu katirsanyahay  Kooxda.

    Ruclo orod  dheer kadib ololihii socdey wuxuu keenay  bishii Febraayo  2014-kii  in Gen : Muungaab loo magaacaabo Gudoomiyaha G/Banaadir ahna   Duqii Magaalada Muqdisho.

    La yaab iyo hal xiraale ayay dad badan ku noqotey markii Muungaab lagu arkay soo dhaweynta , la kulanka Booqashada iyo martigalinta culumaa’udiin ka kala socda dariiqooyinka Suufiyadda Dalka iyo dibadiisa iyo isaga oo booqasho rasmi ah ku tagi jiray Xarumaha Suufiyadda kagana qayb geli jiray xafladaha Ziyaaraadka Suufida.

    Sidoo kale Gen Muungaab waa nin aad u jecel ciyaaraha  hidaha iyo dhaqanka soomaalida , waxaa dadka qaarkood isu qabanwaayay in Gen Muungaab oo hore loogu tuhunsanaa in uu yahay Salafi , Aalo sheikh ama  Al-Islaax (Damjadiid )hadana la arkayo isaga oo labunaysanaya  marna laxadraynaya Qaar kamid ah Culumaaudiinkii  dariiqada Suufiyadda, islamarkaana Bun iyo Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ku maamuusaya Diblumaasiyiintii shishiiye ee booqashada ugu imaan jirtay xilligii uu ahaa guddoomiyaha G/banaadir iyo Duqa M/Muqdisho iyo sidaasoo kale duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, arintaas  oo ah dhaqan aan lagu aqoonin siyaasiyiinta katirsan kooxaha uru diimaydyda sida Damjadiid, taas oo markale daaha karogtay  in Gen Muungaab aanu ka mid ahayn kooxda Damjadiid .

    Lix bilood oo kaliya markii uu Muungaab ahaa Gudoomiyaha G/Banaadir ayuu  soo bilaawdey isku dhicii ugu horeeyay ee u dhaxeeyay  isaga iyo kooxdii Damjadiid ee la xijinayay.

    Khilaafkoodi i wuxuu ka soo bilowdey isbadalkii lagu sameeyay Gudoomiyaashii Degmooyinka G/Banaadir, isbadalkaasi ayaa ka careysiiyay madaxdii Damjadiid kuwaasi oo Muungaab u arkay  inuu yahay nin isaga is dhisaya balse aan kooxda dhiseyn, kadib markii uu magacaabay Guddoomiye yaal Degmo oo fara badan oo aan ka tirsanayan Damjadiid wuxuuna kooxda siiyay sadex guddoomiye Degmo oo kaliya, Kooxda ayaa waqtigaa wixii kadambeeyay Muungaab ladabakacday barabagaando iyo  dagaal siyaasadeed oo  in muddo ah soo socdey taas   oo ugu dambayntii  keentay in Muungaab xilka laga qaado .

    Dhowr bil kadib Gen Muungaab waxaa markale loo magaacabay  Wasiiru Dawlaha Cadaaladda ee XFS ,dad badan ayaa saadaalinayay in Muungaab markale uu lajaanqaadi doono Kooxda Dam jadiid garabna uu siin doona Ololihii ay ku doonayeen dib u soo laabashada Xasan Sheikh Maxamuud, laakin taasi cagsigeeda ayaa dhacday , waxaa mar qura la maqlay Gen. Muungaab oo mucaaradnimo iyo dagaal ba’an ku haya Kooxdii Damjadiid iyo hogaankii  Xasan Sheikh, hadalo  aad u kul-kul ayaa laga maqlay,  olole wuxuu u galay sidii uu  Wadanka isbadal uga dhici lahaa, fagaarayaal kala duwan ayuu ka sheegay in la soo gaaray waqtigii la isugu tagi lahaa  hogaanka aan sharciyadda ku dhisneyn ee Damjadiid si meesha looga saaro, wuxuuna gacan saar layeeshay qaar kamid ah musharaxiintii loolanka kula jiray Ex -Madaxweye Xasan Sheikh iyo Kooxdiisii Damjadiid.

    Halgankii uu ku doonayay inuu Dalka isbedel ka dhaco wuxuu soo daahiray 8-di  Febraayo  2017-ka, waqtigaasi oo la doortey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taariiq ahaan sida laga dhadhansan karo warbixintaan waxaa laga fahmayaa in Gen Xasan  Muungaab aanu waligiis  noqon  Damjadiid,  waxaana la sheegaa inuu yahay Siyaasi  aan la bixin Karin, horey waxaa loogu xaman  jiray inuu ahaa Salafi marna  Aala- sheikh, Mardambana Al -Islaax  kuwaasi oo iyana horey u  beenoobay, waxaase Hubaal ah in Gen Muungaab uu yahay shakhsi dhowra saaxiibtinimada iyo Soomaalinimada  kana fog qabyaaladda , geesi leh go,aan iyo Karti uu ku soo kasbado  Taageerada shacabka Soomaaliyeed.

    Isku soo wada duub, Muungaab waa : Askari ad-adag ,marna waa wadaad dhinacyo badan waana siyaasi dhex-dhexaad ah.

    W/Q: Qoraa sare Maxamed Cali Xasan
    Email: [email protected]
    Gen. Muungaab Muungaab Wejiga dhabta ah Xasan Muungaab
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Dil khaarijin ah oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho
    Next Article Farmaajo oo caawa booqday isbitaal Madiina: “Qofkii soo sheega gaari qarax sida 100 kun Doolar ayaa la siinayaa..”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo