Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Weriyaha Madaxweynaha Soomaaliya oo dhacdo fool xun ka tebiyay Wadada Maka Almukarama

    Weriyaha Madaxweynaha Soomaaliya oo dhacdo fool xun ka tebiyay Wadada Maka Almukarama

    September 16, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    “KALA WAR LA,AANTA SHACABKA IYO DOWLADDA”

    Waxey aheyd 1:42 Pm xiliga Muqdisho iyo wadada Makkah Al_Mukarama.Maleeshiyaad aad u hubeysan oo madax banaan islamarkaana wata 2 Gaari iyo tuute Kaaki ah dibna aan ka xaqiiqsaday inaanay ka tirsaneyn ciidamada Qaranka ayaa wadada oo saxmad aheyd waxa ay bur bur gaarsiiyeen ilaa sadex gaari oo ay wataan dad shacab ah kuwaasoo wadada marayay hase ahaatee ay ku dhaceen iyagoo wadada dhinac qaldan uga socday, gawaarida ay maleeshiyadkani wateen oo ka koobnaa Land Cruiser iyo TOYOTA ama Qooqan.

    Kama aanay xumeyn dhibka ay dadka gaarsiiyeen weliba waxay u raaciyeen handadaad,Qoryo ku taagis,Hoon iyo inay si xoog ah isaga leexiyaan,waxaan anigu ka mid ahaa dad dhulka u degay markii ay dhowr xabadood rideen,waxaan eegay wadada bartankeeda waxaa ku sugnaa askari katirsan ciidanka Traffic oo si wanaagsan gawaarida u kala hagayay, sidoo kale waxaa marayay gawaari ay ciidamada amnigu wataan mase suurto gelin in dadka gawaaridooda ay maleeshiyadani jajebiyeen ay ciidamada wargeliyaan, maxaayeelay raga hubeysan ma ogoleyn in Traffic ay kala saarto qaladkooda oo muuqday dartiis,dhowr kamid ah ragaasi oo dad badan ay lahadleen ma aheyn rag gar qaadanaya waxeyna aad ugu faraxsanaayeen inay si qasab ah ku maraan wadada iyagoo aan wax tixgelin ah siinin milkiilayaasha gawaarida ay jajabiyeen.
    Qoraxda oo aad u kuleyd waxaa mar qura isku xirmay isku socodkii wadada waxaanse aad ula yaabay markaan kula taliyay milkiilayaasha gawaarida lagu dhacay inay ciidamada amaanka ee wadada maraya u gudbiyaan cabashadooda ee ay iigu jawaabeen waa isla askartii dowladda waxa sidan noola dhaqmay waxaana dhici karta in dhib kale naga soo gaaro ama ay rasaas nagu furan iskana cararaan, sidaa darted waxaa noo dhaanto inaan allah u dacwoono. 

    YAAB IYO AMAKAAG

    1. Intaa kadib anigoo qalbigeyga uu kusoo maaxanayo hadalkaas ayaan dib u fikiray waxaanan isweydiiyay su,aalahan.
      Maxey hay’adaha amniga dowladu hubka uga dhigi la,yihiin maleeshiyaadka madaxa banaan ee ay leeyihiin shirkado,Ganacsato, Hay’ad ama Private Securty Company mar hadey hubka iyo gaadiidka ku dhex wataan wadooyinka islmarkaana ay shacabka ku handadayaan?
    2. Xitaa haduu u sharciyeysanyahay ma waxaa loo ogolaaday inay xarumahooda ku ilaaliyaan mise inay wadooyinka iyo dadweynaha kula wareegaan ama shacabka lagu qabto?
    3. Maxaa looga fikiri waayay side shacabku ku kala gartaan ciidama dowladda iyo maleeshiyadkBashir Gaania madaxa banaan ee sida gaarka ah loo leeyahay ileen hubka iyo dharka waa isaga mid?
    4. Xaq ma u leeyihiin cidaan aheyn ciidamada amniga inay magaalada dhexdeeda rasaas ku rido islamarkaana gawaari islaameed ay awaamiir siiso?

    Intaa kadib waxaa iisoo baxday in cabashooyin iyo tabasho badan oo ciidamada dowladda dusha looga tuuri jiray aanay laheyn iyagu, hase ahaatee ay geystaan intaas iyo dambiyo ka waaweyn maleeshiyaad kuwan oo kale ah,waxaase weli eeda dhankooda qeyb ku leh wasaaradda amniga oo aan soo saarin wax xakameynaya maleeshiyaadka noocaan ah ee isku ekeysiinaya ciidamada dowladda taasoo keeneysa in shacabka iyo dowladdu ay KALA WAR LA,YIHIIN shakina kala qaadaan eysan labadooduba ku lug laheyn.

    W/Q: BASHIIR KHALIIF GAANI

    [ad name=”HTML-1″]

    Bashiir Gaani Xaalad amni darro
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePuntland oo degaanadeeda ka mamnuucday in laga dhageysto Radio Muqdisho
    Next Article Maxaa loo xiri waayay kalfadhigii lixaad ee Baarlamaanka? (Guddi cusub oo la dhisayo)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo