Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale maalinta Berri ah qaadeysa dacwad Xeer ilaalinta dowladda kusoo oogtay Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho C/casiis Axmed Gurbiye.
Kulanka labaad ee dhageysiga Dacwadda Weriye Gurbiye ayey Maxkamaddu isugu yeertay eedeysanaha, Qareenadiisa iyo Xeer ilaalinta, waxayna dacwadan ka socotaa Madaxtooyada Soomaaliya, sida ay sheegeen ururrada udooda saxafiyiinta.
Qareenadda u doodaya Weriye C/casiis Gurbiye ayaa fadhigii hore diidmo kala hor tegay dacwadda ay xeer ilaalinta kusoo oogtay weriyaha, waxaana markaas kadib war-saxaafadeedyo Warbaahinta isu adeegsaday xafiiska xeer ilaalinta iyo qareenada u doodaya weriyaha.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa bedleay qodobadii hore loogu soo eedeeyay Weriyaha, waxaana markii hore dacwadda sal u ahaa Qodobka 220-aad ee xeerka Ciqaabta oo ku saabsan sharaf -dilka madaxweynaha Jamhuuriyadda, laakiin waxaa loo bedelay qodobbada 269 iyo 328 oo ka hadlaya faafin been abuur iyo u gefid hay’ad Garsoor.