Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Weriye Caan ah oo Wasiir Yariisow shaqada ka eryay. [Akhiso Qoraal qiiro leh oo uu Madaxda sare u qortay]

    Weriye Caan ah oo Wasiir Yariisow shaqada ka eryay. [Akhiso Qoraal qiiro leh oo uu Madaxda sare u qortay]

    December 29, 2017Updated:December 29, 20176 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dhamaan asxaabta waan idin salaamay, waxaan wadaa farriin aan muddo la aamusnaa oo ku socota madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal wasaare Kheyre, Guddoomiyayaasha labada aqal Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaanada iyo Senatarada sharciga ilaaliya iyo hay’adaha ilaaliya xuquuqul insaanka.

    Muddo bill ah waxaa si sharci darro ah leyga joojiyay shaqadii aan ka hayay Warbaahinta Qaranka waxaa dhacday maalin maalmaha ka mida in Wasaarada Qarfaafinta gudaheeda lagu daadiyay laba warqad oo lagu dhaliilayay Agaasimaha YV-ga iyo Madaxa Barnaamijyada TV-ga waxaana jiray is-maandhaaf u dhaxeeyay qaar ka mid ah madaxda qeybaha Radio Muqdisho iyo TV-ga dowlada.

    Nuxnux ayaa socotay iyo dacwado agaasimayaasha loo gudbinayay subax aniga oo kasoo baxay xafiiska ay subax walba shaqaalaha ku shiraan ayaan arkay warqadahaas dhulka kama qaadin. Wiil ayaa i dhahay maxaad fiirineysaa..? “Warqadahaan ayaan hadda arkay.. yan ugu jwaaaay. Markaan shirka galayay halkan warqad ma oolin meesha. Gabadh goobta socotay ayaa iyana maxaa waaye dhahday, wayna aragtay waana ka kala dhaqaaqnay.

    Habeenkii ayaan arkay C/Naasir Sabriye madaxa barnaamijyada oo taliyaha booliska raadinaya. Ma arkin ayaan dhahay, olole ayuu bilaabay oo uu aniga rabo inuu dusha iga saaro. Subaxii danbe shaqadeydii aayaan aaday, basle duhurkii ayaa waxaa waxaa la iiga yeeray xafiis ay fadhiyaan agaasimayaal arinta warqadaha baaraya. Shaqaalaha qaar ayaa mid mid loo wareystay anigana waan ka mid ahaa.

    Waxaa la i weydiiyeay: Shariif warqadahan waan ognahay shaqo kuma lihid ee waxaad sheegtaa cidda dhigtay.  Waxaan dhahay: Aniga ma arkin cid dhigtay ma aqaan, dadna ma nabi karo.

    Image may contain: one or more people

    Kadib Wasiir C/raxmmaan Yariisoow ayaa loo gydbiyey xog ururintii waxa uu amar ku bixiyey in aniga oo ah Maxamed Shariif in ruqsad shaqo la ii qoro. Markiiba waa la qoray, iyadoo waxba la iska weydiin xuquuqdeyda. Waxaan jiifan jiray wasaaradda muddo laba sano ah, markii xaaladaas ay dhacdayna waxaa arrinteydana wogaaday xildhibaanno ay ka mid yihiin Maxamed Cumar Dalxa, Maama Canab Xaaji Cilmi, Saeatar Muna cumar Xasan iyo weliba Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi, maadaama aa ahaa weriyaha Aqalka sare  ee Warbaahinta Qaranka, waxaa kaloo arrinta ku soo abxay odayaal dhaqameed iyo saxaafiyiin dhamaantoodna waxay la hadleen Wasiir Yariisoow si uu xaaladda wax uga bedelo, balse intaas oo dhan waa ku gacan seyray, wuxuuna dembi aan lahayn u cuskaday inuu shaqadii qaranka aan u hayay iga ceyriyo si sharci darro ah.

    Marki aan xaaladeyda dib ugu laabto waxaa jirtay in 2012 kii ay i dhaawaceen Alshabaab anigoo xirfadayda saxaafadnimo wata oo dowladeyda kor u qaadaya, tasoo ahayd sababta kaliya oo ay igu beegsadeen. Xabbadii ugu horaysay markii ay igu dhufteen iyagoo laba ahaa ayaan mid bastooladii laqabsaday kii kalana amarka alle dartiis cilad ayaa ka gashay  bistlooadii; anigana waan ka cararray oo alle iga badbaadiyey.

    Labada qaliin oo caloosha ah ayaan ku galay Muqdisho iyo Nairobi. Waxaan xaqeyga waydiistay qolo aan la shaqaynayay oo la yiraahdo IST, anigoo markii ay i meermeeriyeen ku wargeliyey haddii ay xaqeyga i siin waayaan  inan maxkamad la tegayo.

    Aniga iyo Wasiir Yariisow waxaan ka wada shaqeyn jirtay Idaacadda Bar-kulan ee UK-ka hoostegi jirtay, waxaan hay’adda IST ee maamusha ka dalbaday inay xaqeyga i siiyaan in muddo ahna ay i meermeeriyeen, kadibn waxaan maqlay in Waseir Yariisoow ay u soo dacwoodeen si aniga la ii aamusiyo, arrintaanna ay qeyb ka tahay go’aankii uu shaqada iiga eryay.

    Dhinaca kale waxaa arrinteyda ku soo abxay xildhibaano iyo Senataro sharaf leh oo wasaaradda u tegay  inay ogaadaan xaqiiqada kiiska shirqoolka ah ee la shaqada la iiga eryay. Waxay wareysteen shaqaalaha Warbaahinta Qaranka, waxayna ogaadeen in xaqdarro la igu heysto iyo jiritanka cod laga duubay madaxa barnaamijyada TV-ga oo howsha aabe u ahaa oo telefoon qof aan la garan kula hadlaya, isagoo leh: “Walaal waxaan kaa codsanayaa inaad Shariif ku marqaati kacdid inuu ka danbeeyay falka.. iyo qofkii oo leh Aniga dulmi ma sameyn karo..”

    Image may contain: 1 person

    Madaxda farriinteyda ku socota waxaan leeyahay:

    1- Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, mar haddii aad ahayd madaxweynihii shacabka, dowladaaduna ahayd tii  shacabka ku farxeen.. sidee raali uga noqon kartaan dulmiga intaas la eg oo la igula kacay iyadoo lagu takri falayo awood wasiirnimo.?

    2- Rii’sal Wasaare Xasan Cali Kheyre, adigoo had iyo jeer ku celceliya in shaqaale kasta oo dowladda u shaqeeya xuquuqdiisa helayo, xukuumadaaduna tahay middii soo celisay rajadii shaqaalaha, ma ogolaaneysaa in wasiir aad magacawday uu ku tunto shaqaale muwaadin ah, isla markaana si gardarro ah shaqada iiga eryo.

    Waxaan ka xumahay inaysan jirin meel fariimaheyga aan madaxda sare u marsiin karo, waxaase xusid mudan in la-taliyeyaasha madaxweynaha iyo agaasimaha warfaafinta madaxtooyada ay la socdaan arrintayda; balse aysan ii dhaqaaqin.!!

    Aniga Shariif ahaan wax mushaar ah ma qaato, caruur ayaan leeyahay, guri ijaar iyo biil ayaa leyga rabaa… Caruur ayaa wax ii barta. Waxaan idin weydiinayaa inta mas’uuliyadda heysa ee ay ugu horreeyeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha: Haddii aad awoodi karin inuu cadaalad helo muwaadin shaqaale dowladeed ah oo  xafiisyadiina xarun dhopwr tallaabo u jirta lagu dulmiyey sidee cadaalad ugu heli kartaan umadda Soomaaliyeed…?!!

    Mudane Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare waxaad sheegteen inaad neceb tihiin musuqmaasuqa iyo cadaaladda darradda, laakiin ma ogtihiin in Wasiir Yariisow isagoo adeegsanaya awoodii  dowladnimo ee aad idunku siiseen uu banaanka iiga saaray shaqadeydii, iina diidey wasaaradii uu shabaabku ii dhaawacay inaan ka shaqeeeyo darteed.

    Xaafadeyda ma tago, xaalad amni darteed, waxaanan ku suganahay inaan habeenba meel seexdo, waxaana intaas oo dhan ay iigu dhaceysaa inaan u eedeysanahay shaqada aan dowladeyda  u hayay. Ujeedada Wasiir Yariisow waa inuu caddowga ii loogo, laakiin tan Rabi ayaa shaqeyneysa.

    Waxaan la soo shaqeeyay wasiiradii hore ee soo maray Wasaaradda Warfaafinta sida Mustaf Dhuxuloow oo aan uga mahadcelinayo inuu tababar ii diray markii uu arkay dadaalkeyga iyo Wasiir Maareeye  oo gacan weyn igu siiyey shaqadeyda, aad ayay u mahadsan yihiin labadaas wasiir oo ahaa kuwo saxaafada dowlada iyo kuwa madaxa banaan la shaqeeya.

    Wasiirka hadda xilka haya ee C/raxmmaan Yariisoow ka sokow cadaalad darrada uu igula kacay iyo sida sharci darrada ah ee uu shaqada iiga saaray, wuxuu dadaal ugu jiraa n Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo aan la shaqeyb jiray uu ku qorto qof uu isagu wato.

    Waxaan jawaab ka sugayaa madaxweynaha, Ra,isal wasaarha, iyo mas’uuliyiinta dalka ee xilku dhibayo, kana horjeeda in Muwadin Soomaaliyeed  xaqiisa lagu tunto loona adeegsado awood dowladeed isagoo waajibaadkiisa gudanaaya.

    WAXAA NA DEEQDA DOWLADNIMO & CADAADLAD.. DULMIGU MA RAAGI DOONO.

    W/Q: Maxamed Nuur Shariifka

    Farmaajo Kheyre Wasaaradda warfaafinta Wasiir Yariisow Weriye Shariifka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxkamad Afrikaan ah oo amartay in xilka laga qaado Madaxweyne Caan oo musuq loo heysto
    Next Article FAAQIDAAD: Sidee Guriga C/raxmaan C/shakuur ku noqday Madaxtooyada aan laga seexan ee Muqdisho..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo