Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) oo ahaa weriye weyn oo caan ka ah Soomaaliya ayaa ku geeriyooday dalka India oo caafimaad ahaan loo geeyay
Allaha u naxariiste Axmed Kismaayo ayaa la sheegay in qaliin lagu sameeyy isbitaal ku yaal magaalada Mumbai ee Dalka India, isagoo u geeriyooday xanuun ka haleelay dhuunta.
Axmed Kismaayo ayaa ahaa saxafi rug-cadaa ah oo kasoo shaqeeyey Radio Muqdisho, sidoo kale ka howlgalay Idaacada BBC,isagoo qoray buug uu ugu magacdaray Layliga saxafiga.
Dhinaca kale wuxuu xilal kala duwan ka qabtay maamulka Puntlan sida agaasimaha guud ee warbaahinta gudoomiyaha gudiga kumeel gaarka ee doorashooyinka oo uu iska casilay.