C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo ka mida weriyeyaasha caanka ah ee ka howlgala Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Iska hor imaadka aya adhex maray Ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Nabadsugida oo isku qabtay sugidda ammaanka magaalada oo 5tii maalmood ee ugu danbeysay xirneyd.
Dhaawaca Wariye Afrika ayaa hadda la geeyay Isbitaalka Digfeer ee Ordogan waxaana la sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay oo aanay wax halis ah jirin.
C/casiis Afrika ayaa xiliga iska hor imaadka dhacay ku sugnaa agagaarka Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, halkaasoo iska hor imaadka ka dhacay.
Waxaa kaloo dagaalka ku dhintay labo askari, halka dhaawacu gaarayo saddex kale, waxaana jirta xiisad.
Wadani.com