Weriye C/casiis Maxamed Guuleed (Afrika) oo ka mida weriyeyaasha Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka kuna takhasusay arrimaha ammaanka iyo la shaqeynta ciidamada NISA ayaa bartiisa soo dhigay qormo kooban oo ku saabsan wixii ku soo arkay Liido.
HOOS KA AKHRI QORMADA WERIYE C/CASIIS AFRIKA
Waxaan hadda ka soo laabtay Maqaayadda Liido Sea Food oo lagu xasuuqay Maato. Waxaan dul istaagay Maydka Hooyo iyo Cunugeedii oo la isku dul dilay. Waxaan arkay tiro illaa 4 Dumar ah oo si arxan daran loo laayay. Waxaan kaloo.soo arkay illaa iyo 7 qof oo inta la safay kadibna rasaas lagu asqeeyay. Waxaan intii aan meesha joogay akay hooyo dhimatay oo cunugeedii oo nool uu ka hooseeyay. Markii ay Ciidankii ka soo hoos bixiyeen Cunugaas Maydka Hooyadiis. Wuxuu waydiistay Ciidanka in Hooyadiisna loo soo toosiyo. Taasoo aan la qaracmay. Waxay sidoo kale Ciidanku halkaasi ka soo samatabixiyeen ku dhawaad 100 qof oo bad qaba oo uu ku jiro Xeer Illaaliye Ku Xigeenka Qaranka, Dr Maxamad Xasan Nuur.
Inta la ogyahay waxaa ku dhintay weerarkan 20 qof iyo 6 dii qof ee soo qaaday Weerarka.
Maskaxdii ka dambaysay weerarkan wuxuu ku jiraa Gacanta NISA.
Wadani.com