Weriye iyo filim soo saare lagu magacaabo C/salaan  Axmed (Caato) ayaa loo magacaabay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, sida lagu caddeeyay wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid.
Weriye Caato ayaa ku soo caan baxay barnaamijyo show ah oo uu lahaa oo ka bixi jiray qaar ka mida TV-yada Soomaaliya isagoo fadhigiisu ahaa dalka Mareykanka gaar ahaan Minnesota.
Wuxuu noqonayaa afhayeenka cusub ee xukuumadda iyadoo uu booskaasi iskiis u baneeyay bishii hore weriye Ridwaan Xaaji C/weli oo muddo sanado ah xilkaasi hayay.
Afhayeenimada xukuumadda ayaa ku kooban xiriirka saxaafadda ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha, iyadoo inta badan wasaaradaha ay leeyihiin afhayeeno u gaar ah.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]