Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xubin ka tirsan Daacishta Soomaaliya oo lagu dilay toddobaadkii hore magaalada Muqdisho.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Mahad Macalin oo ku magac dheeraa ‘Macalin Jajab”, wuxuuna ka tirsanaa saraakiisha sare ee Daacish, isagoo ka yimid Gobolka Bari, laguna dilay magaalada Muqdisho.
Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ayaa shaacisay in Mahad Macalin uu ahaa ku-xigeenkii Madaxda kooxda dawladda islaamiga (Daacish) ee Soomaaliya, lagana dishay xilka uu hayey iyadoo dilkiisa ay ka dambeeyeen xubno isla Daacish ka tirsan oo ujeedkoodu ahaa inuusan noqon madaxa Daacish ee Soomaaliya maadama uu xanuunsan yahay madaxa kooxdaasi Sheekh C/qaadir Muumin.
Weriyaha VOA Haarun Macruuf oo arrimaha kooxda u dhuun daloola ayaa xog cusub ka bixiyey dilka ninkan, wuxuuna gebi ahaan meesha ka saaray xaqiiqada warka ay baahisay BBC-da laanteeda Afsoomaaliga, isagoo sheegay in Mahad Macalin aanu ahayn ku xigeenka madaxa Daacish ee Soomaaliya, balse uu ahaa madaxa howlgallada Daacish iyo kaaliyaha Sheekh C/qaadir Muumin.
Wuxuu intaas ku daray in ninkan ay koox ku lebisan dareyska ciidamada ku dileen xaafadda ZONA K ee magaalada Muqdisho, kooxda dilka geysatayna ay ahaayeen Alshabaab dabagal ku sameeayy.
Waxaa muuqata in xogta uu bixiyey weriyaha VOA-da ay xogta uga dhowdahay warka ay qortay BBC-da oo khaadalaad badani ka muuqday markii horeba.