Weriye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid ah Wariyeyaasha Raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho iyo telefishanka SNTV oo maanta ku dhaawac culus kasoo gaaray arax loogu xiray gaarigeeda, xilli ay ka soo baxday Jaamacad Somalia ee agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho oo ay dhigeyneysay ayaa goor dhoweyd u geeriyootay qaraxaasi.
Qaraxa uu waxyeelo culus ka gaarsiiyay lugaha iyo qeybta hoose ee jirkeeda, Hindiya Xaaji Maxamed ayaa ka mid ahaa gabdhaha wariyeyaasha ee ka howl gala Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda ee SNTV, waxaana hore kooxda Alshabaab ay qarax ugu dileen weriye Liibaan Cali Nuur oo ahaa saygeeda.
Bahda Wadani.com waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed . Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun.
Wadani.com