Weriye Jamaal Maxamed Cusmaan o oah weriye Soomaaliyeed oo heer calam iah ayaa sheegay inuu caasimada Alshabaab ee Jilib dib ugu laaban doono sanadka cusub.
Wuxuu qoraal uu soo saaray ku sheegay in Barnaamijka ugu weynaa ee uu sameeyay uu kasoo diyaariyay Xarakada Al Shabaab sanadkan, isagoo sheegay inuu sannadkan 2022 guul ugu dhammaaday.
“Waan ku noqon doonaa Jilib sannadka 2023-da. Saddex billad sharaf oo caalami ah ayaan imid finalka – midna waan ku guulaystay. Boqollaal wariye oo dunida ka kala yimid ayaan safka hore ka galay”.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Weriye Jamaal Cusmaan.
Wuxuu sheegay in Barnaamijka ugu weynaa ee uu sameeyay uun kasoo diyaariyay Xarakada Al Shabaab, Horumarkaasina uu kaliya gaari karo nin laandheere ah, geesinimo iyo hal’abuurna ku darsaday!, sida uu yiri.
Jamaal Osman oo la shaqeyea TV-ga Cahannel 4 ee UK ayaa xiriir gaara la leh Alshabaab, isagoo dhowaan wareystay Amiirka labaad ee kooxdaasi Mahad Karate, waxaana Hay’adda NISA ay ka masaafurisay Garoonka Muqdisho iyadoo u diiday inuu gudaha u galo caasimada.