Weriye ku dhaawacmay Qarixii is-miidaaminta ahaa ee magaalada Beledweyne ka dhacay Sabtidii ayaa Muqdisho ugu geeriyooday dhaawaca soo gaaray oo ahaa mid culus.
Weriye Cabdullahi Cismaan Macalin oo xaaladiisa ay ahayd mid liidata kadib markii firir yu madaxa ka galay ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaalka Ordogan (Ex. Digfeer) ee magaalada Muqdisho.
Weriyaha ayaa u shaqeyn jiray TV-ga maamulka Jubbaland, isagoo u joogay Magaalada Baledweyne, wuxuuna ka mid ahaa weriyeyaal saddex ah oo ku dhaawacmay qaraxa.
Allaha u Naxariisto C/llaahi Cismaan. ”Inaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun”.