Weriye ka tirsan saxafiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaawacay maanta magaalada.
Weriye Mahad Maxamed C/raxmaan (Mutawakil) oo ka tirsan shaqaalaha radio Shabeelle ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn ka dhacday Isgoyska Tarbuunka oo dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda.
Weriyaha ayaa la sheegay inuu ku sugnaa degmada Hodon, agagaarka Trebuunka, halkaasoo oo ay ka socotay howlgal burburin dhul sharci darro ah, waxaana dhacday inay isku dhaceen ciidamada Ilaalada Guddoomiyaha degmada Hodan iyo Ciidamo Milliteri oo xurguf soo kala dhex gashay.
Weriye Mahad Mutawakil ayaa rasaastu ka haleeshay Gacanta bidix, waxaana la geeyay Isbitaalka Medina halkaasoo lagu daweeyay, iyadoo xaaladiisa ay degan tahay iminka.
Wadani.com